Somali Wiki
Somali Wiki
Advertisement

sooyaalka bulshada ku hadasha Af mahaaw

Qabiilka Garre waxa uu ka mid yahay qabaa'ilka ugu tunka weyn uguna faca wayn ee daga geeska Africa. waxayna ka qaateen kaalin muhiima faafitaanka diinta islaamka qaaradda Afrika, sidoo kale qoraallo hore oo badan ayaa iska yarba'a oo ku saabsan mawduucan; markaa waxay ila noqotay inaan qoraallo iyo qormooyin ka soo gudbiyo. Garre (Af-Ingiriis: Ghurri ama gharri) sidoo kale loo yaqaano (Karre) markii loo eego afka garraha. nasab ahaan waxaa la sheegaa in uu galo samaale waxaana la dhahaa inuu yahay curadkii sagaalka ilmo ee samaale ee qoraallada taariikhda qorto ama xusto. Sida taariikhda sheegeyso garre wuxuu ahaa qabiilkii ugu horreeyay ee soodaga koofurta soomaaliya wuxuuna degenyahay ku dhowaad 1500 sano meesha ugu horreysay ee uu garre soo dago waxa ay ahayd meesha lagu magcaabo ceelasha waanbate ee waqooyiga w/wanlaweyn, gobolka sh/hoose dadkaan waxay ahaayeen dadkii ugu horreeyey ee arka dhulka dhoobeyda waxay ahaayeen dadkii asaasay magaalada Baraawe sanadkii 900 taariikhda miilaadiga waxaa Baraawe asaasay nin la oran jiray Aw Cali oo ka mid ahaa saldanaddii Garre . Baraawe wexey eheed meel keyn ah oo aad geedo badan waxaana ku badnaa dhurwaaga iyo maroodiga qeybta xigta dhanka xeebta waxaa deganaa qolo Galla ah oo ku haystay lo' iyo ari. Awcali wxuu soo maray goobweyn oo illaa dhulka xeebta oo dhul kiinya ah ahaa dugaagtana ku badneyd waxaa uunaa raadinayey meel ku haboon deegaaan illaa uu arkay meel bannaan oo ku dhex taalla keynta waxaa uu ku amray addoomadii la socday inay jaraan geedaha waxaa uuna meesha ka aasaasay magaalo. wuxuu u bixiyay (baraawe bang awala) oo mecnaheeduna yahay baraawe Banaankii Awcali (bang) waa af mahaaw micnaheedanu waa banaanka dadkii hore baraawe oo kiliya kuma kaaftoomi jirin ee waxay ku dari jireen bang Awcali. Awcali waxa uu boqor u noqday dadkii reer tolkiis iyo dadkii lasoo degay baraawe waxaa uuna heshiis kusoo dejiyay qabaa'ilka Galla waxayna la deganaayeen 300 sano kadib waxaa soo degay Tunni waxayna deegaan Tunnida illaa koofurta fog waxaa kaga danbeeyay Tunidda reer Banaadiri waxaa la sheegayaa in dad ku abtirsada Tunnida laga dhex helo dad badan oo uu dhalay Awcali iskuna badalay Tunni ayagaas la baxsada wax walba. Garre Samaale: Qabiilka garre marka hore waxaa loo qaybiyaa labo qaab oo kala ah hab deegaan iyo abtirsi Habka abtirsiga garre waxa uu dhalay labo wiil oo kala ah Tuuf iyo maxamed, maxamed waa wiilka uweyn ilmaha garre maxamed markuu dhalay quraan ayuu dhintay. Quraan waxaa soo barbaariyay adeerkiis tuuf waxa uuna uguuriyay ina adeertiis makko tuuf ayaga Ayaana dhalay qabiiLlada haatan garre ka koobanyahay. Qabiiladaasoo kala ah: Tuuf : wuxuu u qeybsamaa: Ali iyo Adoole Adoole wuxuu u kala baxaa sagaal qeybood oo kala ah: 1.kaalwiine 2.maqaabille 3.tubaade 4.abtugaay 5.dool 6.meyd 7.kudumude 8.odomay 9.bursune Ali wxuu u qaybsamaa saddex qaybood oo kala ah : 1.taacuulle 2.kaalhule 3.sabdhawe Quraan wuxuu u qaybsamaa: Aasarre iyo furkushe Furkushe wuxuu u qaybsamaa toddobo qaybood oo kala ah: 1.kaalweeshe 2.berkaayo 3.darrawe 4.uurdeeq 5.ooytere 6.oodokooye 7.sukture Asarre: wuxuu u qaybsamaa labo qaybood oo kala ah : 1.banne 2.kiliye HABKA DEEGAANKA Habka deegaanka in loo qeybiyo waxaa keenay; deegaanada tirada badan oo aay ka daganyihiin geeska Afrika waxayna u qaybsamaan sida tan: 1)Garre koofar oo dega gobolka Sh.hoose, 2)Garre Marre oo dega magaalada Doolow 3)Garre Maanyo oo ah garraha deggan xeebaha Marka iyo Baraawe kuna dhexjira reer Banaadiriga 4)Garre Maleel oo dega Baay iyo Bakool kuna hadla Afkamayga 5)Garre libin oo dega (magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo iyo gobolka Mandeera iyo magaalooyinka Marsibit iyo Mooyaale. qeybta Kiiniya degta sidoo kale gobolka Dawa iyo gobolka Liibaan, dhanka dowlad Deegaanka Soomaali Itoobiya ) iyo qeyb la deggan Baajuunta oo noqday Baajuun degana jasiiradaha hoos taga gobolada Jubbooyinka. Af Mahaaw Waa afka ay ku hadasho beeshani gaar ahaan qaybta deggan Soomaaliya. Afka Garraha ee loo yaqaanno Mahaaw, wuxuu qeyb ka yahay Afafka AfriKa ee sida xooggan u soo jiitay indhaha qorayaasha reer Galbeedka gaar ahaan kuwooda daneeya Afafka (western linguists) tan iyo bilowgii qarnigii 19-aad waxaa loo arkay inay tahay (Cushitic language ) qaybteeda Bari loona yaqaanno (eastern kushis): waa qeyb ka mid ah afarta qeybood oo ay ku hadlaan dadyowga ama shucuubta dega qaaradda Afrika. Afkani waxa uu ku abtirsadaa Afafka loo yaqaano (afro Asian family ). waxaana jira dad rumaysan in uu Af mahaw yahay Afkii hore oo ay ku hadli jireen reer Samaale ama dadyowgii loo aqoon jiray Ilma Samaale uuna yahay Afsoomaaligii hore. kaliya wuxuu ku soo hadhay beeshan; sababtuna waxa weeye isbedelka deegaan iyo isdhaxgalka afeed ee kale aawgeed u sameysmeen Afafka kale oo ay Soomaalida ku hadasho. Afka mahaaw waxaa uu leeyahay sheekooyin iyo gabayo iyo maahmaahyo fara badan sheekooyinkiisa waxaa loo yaqaanaa (maanoo maanoo) waxaa kamid ah sheekada hawaydaway ii abshow waraabe maaahmaahyadana waxaa kamid ah maahmaahda ah (lan hun wasku haleeyaay laan hunna waskul tunaay) oo macnaheeddu yahay qof xun wuu ku halleeynayaa laan xunnaa way kula soo duntaa. Waxaa kaloo jiro Afka Garre libin oo ay ku hadlaan Garraha dega dalalka Itoobiya iyo Kiiniya. Ciyaaro dhaqameedka beesha Garre Beeshani waxay leedahay ciyaaro dhaqameedyo fara badan, dadyowga ku hadla Afkan mahaawga waa dad murti iyo maadays badan. Afkanina waa afka murtida iyo suugaanta hadday dhan walba tahay, waxaa la'arkaa labo qof oo kasta oo ka mid ah dadyowgan in qof yahay curiye ama leeyahay hal abuur mowqif walba suugaan ayay ka sameeyaan kuna suntaan. garta marka ay adkaatana murti gaar ah ayay adeegsadaan ciyaar dhaqameed yadooda, kuwana soomaalida ayay la wadaagaan kuwana ayaga ayaa gaar u leh. waxaan halkan kusoo gudbinayaa labo ciyaar dhaqameed oo ka mida kuwa ay gaarka u leeyihiin. 1. Tuuggsi (G) X arafka ga'da oo laweyneeyo ayaa loo akhriyaa hadii kale micno kale ayuu yeelanayaa . 2. 2 turr 1. Tuuggsiga waa ciyaar la cayaaro marka ay jirto farxad iyo rayn rayn iyo dareen aad u wacan, badanaa ciyaartan waxaa laga ciyaaraa marka ay guusha soo raacdo, sida marka ay dagaallo kasoo baxaan waxaa la isku keenaa koox dhalinyaro ah oo laga kala keenay jifooyinka beesha, waxayna ku bilaabanaysaa in beesha loo duceeyo allana looga mahadceliyo guusha ama quraan ayaa lagu soo gabogabeeyaa. Habka loo ciyaaro waxa weeye in dadka waaweyn ee tolka ah halsaf wada galaan badanaa waxaa sidaas loo sameeyaa ayadoo la dhowraayo booskooda; waayo-argnimo dadka da' dhexaada ah iyo dhalinyarada waxaa ay safka u galayaan si isku dhaf ah. waxaa ciyaarta bilaabaaya kan ugu da'da weyn, halkaan ayay ciyaarta ka anba qaadaysaa ayadoo dadka oo dhan ku celcelinaayaan ereyada kala ah ( liibaan waahoo ) oo micnaheeda yahay “waatan guushii”dadka oo dhan ayaa mar ku wada dhawaaqaayo “liibaaan waahoo” ayadoo codka kor loo dhigaayo. Ciyaartaan waxa ay u gaar tahay kaliya ragga . marka ay safafka isku milmaan oo dadkii waawayn iyo dhalinyarada is dhex galaan ayaa waxaa soo afmeeraaya ciyaarta midka ugu da'a wayn sida uu u bilaabayba markii horeba, soo gabagabeyntana waxay noqonoeysaa in la Alla baryo ama waano la jeediyo ama hadal hanuunin ah . 2. Turr caadada turrka waa ka duwantahay tuuggsiga turrka waxaa la ciyaaraa xiliyada barwaaqada iyo ciidaha waxaana ciyaara kaliya dhalinyarada turrka waxaa ka buuxa ammaan gabdheed iyo hadallo ku saabsan shukaansi ah ( romaansi ) sidaas ayaana lagayaaba in ay dhalinyarada ugu koobantay . Habka loo ciyaaro waa in koox dhalinyaro ah meel isku balansato. badanaa waxay isku balansadaan meel bannaan ah oo reerahana ka yara fog ama geed wayn hoostiis waxayna ugu jecelyihiin habeenka barkiis ama amaba qeybta danbe ee habeenkii waayo dhalinyarada maalintii hawl adag baa ay qabtaan sida : geel raacidda iyo beer falidda sidaa darteed qaybta danbe ee habeenkii aayaa ay u kala hormaraan meesha lagu ballamay . Qof walba oo dhalinyaro ah ee meesha aadaaya wuxuu tiriyaa ama uu qeybayaa tuducyo gabay ah oo uu ku celcelinaayo illaa meesha uu ka gaaraayo tuducyadaas oo xanbaarsan macno fog amaan gabdheed ah ama ereyo aad u macaan oo uu ku soo jiidan karo gabdhaha filkiisa ah markuu codka is qabsado, dhalanyarada goobta wada gaarto ayaa si xammaas leh saf loo sameynaa oo dhalinyarada oo dhan ka koobantahay ( gabdhaha iyo wiilasha ) si wareeg ah ayay safka u galaayaan waxaa safka hagaajinaayo isku xire cayaartana waay soconaysaa, isagana safka ayuu hagaajinayaa. wuxuu amaraayaa afyaalka ugu caansan inuu bilaabo gabayadiisa ( afyaal) waa gabyaa afka mahaaw afyaalka wuxuu bilaabaayaa gabayadiisa wuxuu meesha ka jeedinayaa gabay uu horay u tiriyay ama mid uu markaas meesha ku allifay kaliya waxaa laga rabaa inuu ilaaliyo in gabaygiisa uu ka koobnaado ereyo macaan badan oo amaan ah sidoo kalana haasaawe ah. dadka oo dhanna dareen kooda badali kara afyaal waxa uu cod dheer oo lafahmi karo ku luuqeeyaa dhammaadka gabaygiisa tuduc kastana waxa uu ku celcelinaayaa labo mar ama seddex mar amaba inka badan. waxaana kula celcelineesa kooxdiisa waxaas oo dhan waxaa ay dhacaayaan ayadoo aan la samaynin wax dhaqaaq ah isla markii uu gabayga dhamaado dhalinyarada waxa ay bilaabaayaan ciyaarta ayaga oo ku celcelinaaya ereyga (bii) ereygaanoo aan lahayn macno gaar ah balse u eg hab muustiko oo ay ayaga isku fahmaan. Markaas waxaa soo galaysa gabar xiran dharka loo yaqaanno hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida oo uu garanaayo kaliya afyaalka ama laga yaabo in kooxdiisa la taqaanno . gabadha waxay ku soo galaysaa tallaabooyin deggan isla markii ay gabadha dhexda soo gaarto afyaalka iyo kooxdiisa waxa ay bilaabaayaan gabayo gaagaaban oo ay cod aad u daggan ku akhrinayaan waxaa kordhaaya xawaaraha ciyaarta marba marka ka danbayso, marwalba oo ay gabadhu ciyaarto waa marwalba oo ay hagaagto ciyaarta si fiicanna u sii socoto. Waxaa xusid mudan in markii ciyaarta u kororto qurux iyo heybad gabayadana la isla fahmo in ay dadka gaaraan heer ay miir daboolmaan oo ay baruuraan (baruurka) waa in qofka isaga oon ogayn middi isla dhoco. Waxay u laabanaysa taariikhda ciyaarahan boqolaal sano taaso facba facu ka danbeeyo u sii gudbinaayay oo dhaxalsiiyey . HABKA MAAMULKA DHAQMEEDKA EE BEESHA GARRE 1.BEESHA GARRAH EE DEGTA DHULKA SOOMAALIYA Qabiilkan wuxuu leeyahay qaab soo jireen ah oo ay isku maamuli jireen habkaas oo ah in la doorto suldaan qabiilka oo dhan u taliya kaas oo ay dooranaayaan dhammaan Kaaba jufooyinka qabiilka, suldaankaas oo isagana la tashanaaya Kaaba jufooyinkaas oo uu ka talo galinaayo arimaha la xiriira beeshaas. wixii ka horreeyey gumeysiga waxaa soo xukumay suldaan Cabdow kaasoo lagu tilmaamo inuu ahaa mid ka mid ah suldaannadii qarnigiisa soo maray kuwa ugu xikmadda iyo murtida badnaa garrena soo xukumayay 70 sano . kadib markii dalka uu soo degay gumeystaha qarnigii 19-aad suldaan Cabdow wuxuu iskaga degay xukunka isaga ku marmarsiyoonaaya inuu qabiilka soo xukumay muddo badan uuna kusoo xukumay sharciga islaamka uuna ku hoos noolaan Karin gaaladan dalka soo caga dhigtay wuxuuna xilka u dhiibay ku xigeenkiisa koobaad oo markaasi ahaa macallin Eeddan Cusmaanow kaas oo ka qeyb galay shirkii Baarliin ee dhacay 1885-kii isagoo ka mid ahaa odoy dhaqameedyadii soomaaliyeed ee meesha tagay waxaa isaga u ahaa ku xigeenka koobaad macallin Caliyow kalweshe oo intuu maqnaa tolka arimihiisa hagaayay. waxaa ka danbeeyay labo boqortooyo oo uu Garre kala yeeshay ku waas oo ay u kala talinaayey ugaas Mahaad Abjow Sanlaawe oo xukumayay saldanadda Tuuf iyo Suldaan Calyow Dheere oo xukumayay saldanadda Quraan sidaas ayay ku soo socdeen labada suldaan ee uu Garre yeeshay illaa laga soo gaaro casrigii suldaan Baroole iyo suldaan Faroole kaas oo ku beegnaa xiliga Soomaaliya gobonimada qaadan rabtay illaa iyo maanta qabiilka isla nidaamkii ayay isku xukumaan oo waxaa u ugaas ah Tuuf ugaas Aadan Baniini oo hadda nool waayeelna ah la taliye hiisana booskiisa uu ku jiro halka Quranna uu ugaas u ahaa Macalin Maxamed Xassan waxaana booskiisa la wareegay wiilkiisa Abuubakar si uu gadaashiis u xukumo kaas waa dhaqanka Garraha deggan dalka Soomaaliya. 2.Garraha daga dalalka Itoobiya iyo Kiiniya Waxay leeyihiin saldanad waxaana suldaan u ah Muxamed Xaaji Xassan gabaaba wuxuu xilka suldaan nimo qabtay isaga oo jira sagaal sano kadib markii la dilay walaalkiisa suldaan Roobow sanadkii 1964kii oo lagu dilay Dagaal adag oo u dhaxeeyay qabiilka Garre iyo qabiilada Oromoda, oo ay hoggaaminayeen Booranta. ayaga waxaa kaga horreeyay xilkaan aabbohood oo loo yaqaanay Xaaji Xasan Gababa oo isna ladilay kadib dagaalkii labaad ee aduunka awoowgood Aw Gababa wuxuu qarnigii 19-aad aasaasay boqortooyada Garre Libin waxay bilaabatay boqortooyada isaga ka hor laakiin waxaa la aaminsanyahay in isaga uu ahaa asaasihii labaad ee boqortooyada garraha itoobiya iyo kiinya waxaa mudan in aan xusno in qowmiyadda Soomaalida itoobiya siisay suldaan Xaaji Xasan halhayska ah ama naanaysta suldaanka salaadinadda qowmiyada soomaalida taasoo cadaynayso in si hagar la'aan ah suldaanku uugu adeegay qowmiyadda soomaalida iyo dadka uu masuulka kayahay. Halganka Beesha Garre 1. Garre Somalia Markii aan ka hadlayno taariikhda soomaaliya qabiilka garre waxaa lagu tiriyaa qabiilada qaybta ka noqday dagaaladii lala galay gumeystaha ayaga oo uu hogaaminaayo suldaan Aw Mahaad Abjow Sanlaawe alle ha unaxriistee wxuu dagaal ba'an la galay gumeystihii talyaaniga wuxuu ku jibiyay dhowr dagaal. dagaallada adag wuxuu ku galay magaalada Baraawe illaa xeebta dheer ee marka iyo magaalada qoryooley. Wuxuu ka bilowday khilaafkooda kadib markii gumaystaha talyaanigu ka codsaday in uu bixiyo baad ama canshuur, wuxuu u sheegay inuu amar ka qaadaaynin gumeyste ayadoo reeraha kale qaarkood doorbideen inay jisyo bixiyaan beerahana falaan. wuxuuna doorbiday inuu reerkiisa uraro baadiyaha meeshaasna kasoo jabhadeeyo sanadka markuu ahaa 1902 dii waxay Talyaaniga u soo direen wafdi ka kooban dad talyaani ah si ay heshiis u la gaaraan. Wuxuu u sheegay wafdigii in uusan la galaynin wax wadahadal ah gumeystaha u yimid inuu dadkiisa adoonsado, xoolihiisana dhoco, rabana inuu diinta kabadalo. waxaa bilowday dagaal u dhexeeya ciidankiisa oo ka koobnaa reer tolkiisa iyo ciidankii talyaaniga iyo soomaalidii raacsanayd talyaaniga wuxuu la galay dagaal adag, wuxuu joojiyay isku socodkii talyaaniga, wuxuuna kuriday cabsi iyo walwal illaa markii danbe si kadis uu gacantooda ku galay suldaanka. waxaana lagu xiray xabsi kuyaala Baraawe waxaana laga codsaday in lasii daynayo hadduu katanaasulo fikirkiisa, reerkiisana ku amro inay joojiyaan dagaallada ay kula jiraan talyaaniga wuxuuna necbaa inuu dareemo ihaano xataa isagoo xabsiga ku jiro markii lasoo booqdo wxuu dhihi jiray sida ay riwaayadaha qaar qabaan waan caafimaad qabaa alle ayaa mahad leh wuxuu ku dhintay xabsiga wuxuuna u dhintay sun lasiiyay. waxaa isaga ka danbeeyey Suldaanada kala ah Beed dheere iyo Faroolle iyo baroolle oo ayagana halganka meeshiisa kaga sii amabqaaday illaa markii danbe talyaaniga alle ka qaaday. Waana sababaha keenay in maanta garre magaalooyinkuu daganaa ama isagu uu asaasay uu hadda baadiyahooda ka joogo. 2. Garraha dega dhulalka Itoobiya & Kiiniya Geelle Adurra wuxuu garre soo xukumay qarnigii 15-aad xiligiisii, wuxuu dagaallo badan la galay gaallo madoow iyo dhamaan qabiilada dariska la'ahaa ee uu ka dhexeeyay loollan la xidhiidha dhanka diinta. Waxaa isaga ku xigay geedi gababa oo furatay dhul badan ama dhulka libin oo idil, Waxaa ku xigay saddex geesi oo lagu kala magacaabi jiray 1)Abdi Meadow Salaale 2)Abdi Gurey Baanye 3) Abdi Gudaa Guru oo ayagana halgan dheer la galay gaalo madow iyo dowladii xabashida, dhowr jeerna dagaal ku jibiyay. waxaa ku xigay odaygii caanka ahaa ee la oranjiray Cali Daayow Maamow oo dhinaca galbeed Itoobiya garre ka xukumaayey. waxaa uuna meesha u joogay inuu dajiyo isku dhacyada u dhexeeya garre iyo qabiilada gaallada loo yaqaanay. wuxuuna dajiyay xeer adag oo ay ku kala badbaadi karaan garre iyo qabiilada dariska la ahaa ee gaalo madow soomaalida u taqaano. dhinaca barri ee dhulka ee loo yaqaano mandera oo ah waqooyi bari kiinya waxaa ka talin jiray Shabba Caliyow oo isagana lahaa gole waqtigaas garre waxay ku guuleesteen inay nabad ku noolaadaan. suldaan gababa xukunkiisa iyo waxaa isku soo beegmay imaanshaha gumeysigii cadaanka ahaa iyo imaanshihii boqortooyadii itoobiya oo isku fidinaysay geeska afrika. boqortooyada ingiriiska ayaa canshuur ku soo rogatay bulshada garre, waa uu diiday waxuuna qaatay go’aanka ah in uu dagaal ka xigo amarka ingiriiska waxa uu heshiis la gaaray qabaa' ilka gaallo madow waxaa uuna ku guulaystay inuu joojiyo dagaal u dhaxeeyey Booranta iyo Garraha. waxaa xukunkiisa ka dhaxlay Xasan Gababa oo ahaa wiilkiisa sida aabihiis wuxuu u necbaa gumaystaha waxa uuna kabiyo diiday xukunkiisa waxaa lagu xiray magaalada Marsibit ee ku taalla kiiniya. waxa uu kabiyo diiday in garre ingiriis xukumo wuxuuna garab siiyay xukuumadda itoobiya in dhulka garre ingiriis xukumin kulligiis, maadaama qaybta kiiniya qabsaday ingiriis waxa uu ka mid noqday barlamaanka boqortooyada itoobiya markii uu bilaabmay gobonimo doonka woqooyitga iyo koofurta Soomoaliya ayaa boqorka itoobiya wuxuu usoo bandhigay baarlamaankiisa inuu kadhigo godoomiyaha koofurta itoobiya balse waxaa shaki la giliyay dhalashadiisa, waxaana asagoo maqan la go'aamiyay in la weeydiiyo dhalashadiisa hadii uu yiraahdo soomaali baan ahay la dilo haduusan dhihinna xilka loo dhiibo. waxa ay saaxiibadiisa u sheegeen arinkaas markii la weeydiiayay isagoo og in la dilaayo ayuu yiri soomaali baan ahay ka dibna waala dilay sanadka markuu ahaa 1959 kii. waxaa bilowday dagaalkii qaraaraa ee uu hogaaminaayay Jeneraal Ali Gaba iyo gacan yarahiisii Abdullaahi Xaaji Xassan. gababa dagaalkaas waxaa ku soo biiray general Xasan Xuseen Xasan Goorow iyo cornel Abdullahi Gamas labadoodaba waxay kasoo wareegeen jabhadii xoreynta NFD iyo cornel aadan qalla cali iyo rag kaloo farabadan, khibradna u leh dagaalka waxaana cashar lama iloowaan loo qoray boqorkii Xayle Salaase ee dilay boqorka garre waxaa ayna gaareen guulo lataaban karo. waxaa dagaalkaas ku geeriyooday suldaan Roobow gababa waxaa kaloo degmada Qadudum ay ku dileen ciidanka boqortooyada itoobiya sagaal xubnood oo muhiim u ahaa dagaalkii lagaga soo horjeeday khibrad ciidanna lahaa suldaan Roobow. wuxuu dhexda ka galay labada cadow ee kala ahaa ingiriis iyo boqortooyadii itoobiya, wuxuuna u dhabar adeegay dagaalka illaa uu kashahiiday sanadka makuu ahaa 1964-kii. waxaa xilka ka dhxalay suldaan Maxamad Xaaji Xasan gabaaba oo ku soo beegmay xili jabhad furantahay beeshana dagaal adag ku jirto suldaanka waxa uu qaatay go’aan ah dagaa,l waxaa uuna ka qayb qaatay dagaalkii la gula jiray boqortooyada itoobiya wuxuuna xog hayeen u noqday jabhadii soomaali Abow illa uu ka qaybnoqday kursi karididii boqorka itoobiya ka dibna waxa uu isku keenay bulshada garre dibna uugu celiayay deegaankooda. Halgamaa General Xassan Xuseen cabdi oo loo yaqaano Xassan Goro waxa uu ka mid ahaa geesiyaashii garre, waxaa si weyn looga xasuustaa jabhadii NFD ee ka dagaalami jirtay gobolka Waqooyi Bari kiiniya iyo jabhaddii Soomaali Abbow ee ka dagaalamaysay gobolada Baali iyo Sidaamo ee itoobiya. Xasan goro 1963-kii wuxuu ku biiray jabhaddii xuriyyad doonka dhulka soomaali kiiniiya. waxa uuna dagaal ka soo qaadi jiray dalka soomaaliya isaga oo uu hadafkiisa ahaa xoreynta dhulka loo yaqaanay soomaali kiiniya ee ah: Wajeer, Mandeera, Gaarisa, Marsibit iyo Mooyale. 1974-kii markii dowladdii milatariga joojisay jabhaddii gobonimo doonka NFD, aad ayuu u niyad jabay, waxa uuna markale ku biiray jabhaddii Soomaali Abow ee xoreynaysay dhulka soomaali itoobiya markii dowladda Soomaaliya ku fashilantay xoreynta dhulkaas.Xassan Goorow waxa uu u wareegay dhanka koonfur Bari itoobiya oo ah halka uu ku abtirsado waxa uuna ku dadaalay in uu halkaas ka asaaso ciidanka GDF ama Garre Defiance Force ee loo yaqaan (ciidanka difaaca garre) si uu u difaaco dhulka garre gorgortanna uu la galo xukuumaddii dimuqraadiga ahayd ee itobiya ciidankaas oo tiradiisa lagu qiyaaso 21.00 askari wuuna ku guuleystay. Dagaalladii furashada dhulka xabashada: Futuuxaatul xabash Qabiilka garre waxa uu ka qayb galay dagaalladii Axmad Gurey hogaaminayay ee lagu furanaayay dhulka loo yaqaano xabasha waxay hiil iyo hoo la garab taagnaayeen hogaamiyihii muslinka ahaa ee Axmed Gurey. Duullaamadii halyeeyga axmad guray ku qabsaday dhulka xabashada wuxuu u danbeeyay duullaamadii soomaalida iyo muslimiintaba ku qaadi jireen dhukaas waxayna ka mid ahaayeen dhacdooyinkii u caansaa ee soo mara taariikhda xabashida inta reer galbeedka ogyihiin. Duullaamadaas waxay sigeen inayy dhulka xabshida diinta kiristanka ka tirtiraan sidii ku dhacdayba waagaas dadkii dagenaa waqooyiga Suudaan ee loo yaqaanay Nuubba. Waxaa la sheegaa in dagaalka ka sokow doorkooda ahaa diin ku faafinta dhulka xabash maadaama ayaga fahmi jireen afafka ay ku hadli jireen ummadii la isku oran jiray xabasha. Furashadii Kedo Sidoo kale beesha waxay si kali ah u furatay dhulal badan oo ay maanta soomaali badan degantahay. dhulka ay furatay waxaa ka mid ah : Luuq, Garbahaarrey, Doolow, Ceelwaaq iyo Gobolka Liibaan. Dhulka uu garraha xoreeyay kaliya kuma qabsanin xoog ee xiiladna way jirtay oo dadka la daganaa oo diin la aan iskaga badnaa ayay xaylada kaga qaadan jireen dhulka sida mar Booranta lasoo istaageen guura ama dagaal, ayaa hogaamiyihii garre ku yiri cudur cusub ayaa yimid adoomadiisa ayuu ku amray inay dhiig afka ku shubtaan iskana dhigaan wax dhintay Boorantii cidna kama harin. Xasuuqii loo gaystay Beesha Garre Ka dib markii garraha dagaallo culus la galeen boqortooyadii Abasiiniya ee xabashida ahayd 1889-kii. waxaa weeraro ku soo qaaday boqorkii minelike weerar kaas oo iskugu jiray siyaasad iyo dagaal. halkaas ayuu kasoo wajahay culeys dhaqaalle, waxaana lagu bilaabay in la tirtiro isirkooda. waxaa xasuuq ugu darnaa u geystaa xeyle salaase oo ahaa boqorkii ka danbeeyay menelike waxay galeen halgankii lagu ridi lahaa xeyle salaase. waxayna ballan lasii galeen mangiste xeyle Maryam oo isga ballanta uugu baxay abaalkoodana qax iyo dagaal uugu badalay. waxyaabaha uu ku talin jiray waxaa ka mid ahaa in garruhu soomaali yihiin dhulkoodana lagu wareejiyo qowmiyadaha dariska la ah isbeheysi ka kooban. xabshi iyo ingiriisa ayaa garraha ku soo qaaday weerar culus, kaas oo sababay in jabweyn loo geestay xasuuq horlehna lagu sameeyay sanadka marka uu ahaa 1895- kii. mid ka mid ah hoggaamiyayaashii garre ayaa soo aaday dhanka talyaaniga, waxa uuna la galay heshiis oo in uu isaga hadda hub ka qaato badalkeedna talyaaniga dhex maro dhulka garre si uu itoobiya u qabsado. waxaa lasiiyay hubkii, waxa uuna dib u soo ceshaday deegaankiisa. wuxuuna jab ku riday Amxaarda sanadkii 1913-kii. waxaa ku heshiiyay gaashaanbuur Amxaarada iyo Ingiriiska. markale ayay xasuuqeen garre xasuuq ba'an. wuxuuna iingiriis xukumay dhulka garre waqti ku dhow nus qarni. Xasuuqa loo gaystay beesha garre waxaa lagu qiyaasaa inay ku dhinteen dad u dhexeeya 900.000 illaa 1000.000 oo qof. Dagaalada qorsheysan ee beesha garre lagu qaado ma uusan joogsan xalna loo ma helin dowlad kasta oo itoobiya timaada. xaqqooda way ku tumtaa wayn ka hiilisaa beel caalamna uma gurmato xattaa warbaahinta waa laga qriyaa meesha ma gaari karaan mana jirto warbaahin garruhu leeyahay ama soomalidaba taasoo tabisa xadgudubyada iyo xasuuqa umaddaa lagu haayo. Dagaakii kedo kuuraay Waa waagii uu garre jabay waxaana jabiyay jilib culustii xabashida iyo bortoqiiska oo iskaa shanaayo wuxuuna uqaybsamay garre illaa affar qeybood. 1: qayb u guurtay koofur dhanka sh/hoose 2: qayb u guurtay jaad, waxaa la sheegaa in jaad labo jeer u kala guuray qayb hore oo u guurtay ka dib markii lagu soo jabay dagaalladii Axmad Gurey ku waas oo sii maray dhulka banuu shungul illaa suudaan iyo qaybtan danbe oo u guurtay kedo kuuray kadib. 3: qayb ku hartay gedo oo u guurtay xagaa itoobiya iyo kiiniya dib uulla galay xabashida dagaallo culus waqtigaba haku dheeraadee deegaanka ku sal adeegay 4: qayb la qabsaday oo bedelmaysida gabraha oo kale Buulle Xuseen waa ninkii garre hogaaminaayay markii kedo guuraay dheceesay. Waana ninkii soo sahmiyay koofur . wuxuuna ku taliyay in koofur loo guuro, inta taladiisa raacday koofur beey usoo guurtay. Buulle Xuseen markuu sahmiyay koofur wuxuu yiri waxaan soo arkay dhul rag u roon oo geel u daran . markuu gedo ka soo guuray wuxuu yiri : ”gedooy waan kaa soo guuray waxaana kaaga soo guuray saddex sababood: Falaartii yaabiye , Fitnadii kedeble iyo Farastii dhunkaneed.” Baajuun waa qabiil dega kismaayo iyo jasiirada julleen juwaay dadbadan oo garre ah ayaa ku biiray xilligii kedo kuuraay ay dhacday ayaga laftoodana qirsan karre nimada. Tixraaca: سيـرة العلّامة: الشيخ حسن حسين هلولى “الفذ في علمه والفريد في فهمه”(3)1 //mogadish/www.linkedin.com/pulse/mahaaw-af-da-wayn-asal-iyo-oraahba-adam-husseinfbclid=IwAR15kC0GldWgyH4gvQv0bf_t9s-UH6x6 4 buqyatul aamaal fii taariihi somal book 5 abwaan maxamed nuur sh cumar oo jooga afgooye kka6 taariikhda iyo dhaqanka afka somaliga book 7 taxanaha taariikhda geeska africa book 8 prof yahye aamir from his Facebook page 9 sayid cali haadi oo ah goddomiyaha xisbiga himilo ee deggen finland

Advertisement